﻿Eebe wuxuu ka dhaartay Tiinka iyo Zeytuunka.
Iyo Dhuuri Siina.
Iyo Magaaladan Aaminka ah (Maka).
Ee waxaana ku abuurray Dadka Muuqal toosan.
Kaddibna waxaan u celinaynaa hoos (gabow dartiis).
"Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan Ajri aan go'aynin."
Ee Maxaa Gaalada u sababay beeninta Qiyaamada intaas ka dib.
Miyuusan Eebe ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Eebaa xukun wanagsan).
