﻿"Waxaad dhahdaa, Gaalooy."
Ma caabudayo waxaad caabudaysaan.
Idinna ma caabudaysaan Eebahaan caabudi.
"Mana caabudin waxaad caabuddeen,"
Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan Eebahaan caabudi.
"Idinkana Diintiina yaad leedihiin, Anna Diintaydaan leeyahay."
